Universities and Colleges | University of Minesota
Mankato State Univ
SouthWest State Univ
Metro State University
St. Cloud State Univ
Minneapolis Tech College
Augsburg College
College of St. Catherine
St. Paul Tech College
North Hennepin College
Normandale College
Century College
| |
Entertainment | Books
Movies
Sports
| |
Who's Online | There are currently, 7 guest(s) and 0 member(s) that are online.
You are Anonymous user. You can register for free by clicking here | |
| |
Cabdulqaadir Sanka oo dhintey Posted on Monday, January 24 @ 18:56:09 CST
Topic: Somali News
|
Cabdulqaadir SANKA oo ku jirey bilowgii afartameeyaha waxa uu fanka ku soo galey kooxdii IFTIN ee ay laheyd Wasaaraddii Waxbarashada iyo Barbaarinta ee dalka ka jirtey intii aanu dhicin xukunkii Siyaad Barre.
Sida ay BBC-da ugu warameen dad qaraabo la ah Cabdulqaadir SANKA, waxa uu dhintey habeenkii Axadu soo galeysey 10:00 fiidnimo, ka dib markii uu xoogaha xannuun dhinaca wadnaha ah uga soo boodey uu ku kacey isagoo hurdayey.
Cabdulqaadir SANKA oo ku jirey bilowgii afartameeyaha waxa uu fanka ku soo galey kooxdii IFTIN ee ay laheyd Wasaaraddii Waxbarashada iyo Barbaarinta ee dalka ka jirtey intii aanu dhicin xukunkii Siyaad Barre.
Sida ay BBC-da ugu warameen dad qaraabo la ah Cabdulqaadir SANKA, waxa uu dhintey habeenkii Axadu soo galeysey 10:00 fiidnimo, ka dib markii uu xoogaha xannuun dhinaca wadnaha ah uga soo boodey uu ku kacey isagoo hurdayey..
Muqtaar Rabadaan Arboow Iidi oo ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku suganaa magaalada Muqdisho sanooyinkii dalka laga qaxey oo Cabdulqaadir SANKA ay ka wada shaqeenayeen hawlaha Fanka ayaa BBC-da uga wamaray taariikhdii faneed ee Cabdulqaadir SANKA..
Waxa uu Muqtaar sheegey in SANKA uu fanka bilaabey sanadkii 1981kii, wakhtigaas oo uu ku biirey kooxdii IFTIN ee Wasaaradda Waxbarashada.
Waxa uu Mukhtaar sheegey in SANKA uu kooxdii IFTIN dib u dhisey markii ay dagaalada sokeeye ay ka dhaceen dalka kadib , Iyadoo kooxdaasi ay mudo dhowr iyo toban sano ah ay isaga iyo SANKA ka wada shaqeenayeen kooxdaas IFTIN.
MUKHTAAR RAMADAAN..
Waxa uu Mukhtaar Rmadaan Sheegey in munaasabadaha farxadaha leh ka sokow, ay kooxda IFTIN ee isaga iyo SANKA ay ku wada jireen ay shaqeen jirtey halwlaha nabadda. Waxa uu yiri Mukhtaar sanooyinka dowlad la'aantu jirtey waxa ay kooxda Iftin ay iska xilsaartey wacyi galinta dadweynaha loogu sheegayo iney ka reebtoomaan dagaalda ooy dhiirigaliyaan hawlaha nabadda..
Waxa uu Mukhtaar intaas ku darey, allaha u naxariistee Cabdulqaadir SANKA aad ayeey ugu weyneed nabad helisto waxana uu hormood ka ahaa hawlo badan oo fannaaniintu Muqdisho ku harey ay kaga qeybgaleen isku keenista iyo isku maslaxista beelha wada deggan Muqdisho.
Cabdulqaadir SANKA oo sanooyinkan dambe dalka gudihiisa iyo dibaddaba aad looga xiiseenayey heesihiisa, waxaa uu ku dhashay oo uu wax ku bartey magaalada Muqdisho..
SANKA waxa aad loogu xasuustaa heestiisii KADIS oo ka bixi jirtey Telefeshanka Qaranka.
Cabdulqaadir SANKA, waxa uu ka mid ahaa fannaaniintii Soomaaliyeed ee ka qeybqaatey shirkii lagu qabtey dalka Djibouti ee lagu soo dhisey dowladdii CARTA, sanadkii 2000.
Cabdulqaadir SANKA waxaa uu Ifka kaga tagay laba Caruur ah oo kala ah Gabar iyo Wiil, iyo xaas, waxaana Aaxaddii lagu aasay tuulada Sagaalaad oo ka tirsan dagmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose, iyadoo aaskiisana ay ka qayb galeen dadwayne aad u farabadan iyo fannaaniin aan la koobi karin..
Source.BBC. Somali
Farxiyo Cali Qaajo.SomNet
|
|
| |
Login | Don't have an account yet? You can create one. As a registered user you have some advantages like theme manager, comments configuration and post comments with your name. | |
Article Rating | Average Score: 0 Votes: 0
| |
|
"Login" | Login/Create an Account | 0 comments |
| The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content. |
|
|
No Comments Allowed for Anonymous, please register |
|
|