Dal-maasheeye
Maxamuud Cabdullaahi Ciise "Sangub"
Taariikhda
abwaanka oo kooban:
Abwaan Maxamuud
C/laahi Ciise "Sangub" wuxuu ku dhashay magaalada
Hargaysa sanadkii 1944-tii, hase yeeshee Sangub wuxuu ku bar-baaray
magaalada Dhagax Buur. Marka laga bilaabo shan jirkiisii ayuu
xagga fanka u hilloobiddiisii ay ku soo baxday, waxaana uu caan
ku noqday dhallinyaranimadiisii cayaarta loo yaqaano dhaantada.
Maxamuud Cabdullaahi Sangub 1961-dii ayuu tagey magaalada Muqdisho
xarunta Soomaaliya, waxaana uu xilligaas ka mid noqday fannaaniintii
Radio Muqdisho. Maxamuud markii hore waxa uu fanka ku bilaabay
Cayaaraha ka sokow
xagga gabayada. Sangub riwaayadiisii ugu horraysay ee uu bandhigo
waxaa lagu magacaabi jira “Naga Guur” oo loogu talo
galay gumaystihii Ingiriiska. Sannadkii 1964-tii Sangub waxa
uu allifay riwaayad la magac baxday “la mood noqonse wayday”.
1966-kiina riwaayaddii caan baxaday ee ‘Yaxaas dhaga-duub”
ayuu Sangub sameeyay. Dhinaca jacaylka, 1970-tanaadkii ayuu
riwaayadihii caan baxay ku bandhigay meelo fara badan oo dhulka
Soomaliya ka mid ah. Riwaayadahaas oo ay ka mid ahaayeen “Qabrigii
Jacaylka” , “Xuud baa liqay Jacaylkii” iyo
“Xuskii Jacaylka”. Sangub riwaayadahaas caanka baxay
ee jacaylka ka sokow waxa uu sameeyay dhawr riwaayadood oo waddani
ah, waxaa la soo qaadi karaa riwaayaddii “Xorriyo nin
gayaa ha guursado”, “Waa maadays adduunyadu dadkuna
way matalayaan” , “Gari ma kaa baxdaa” iyo
“Isuma qaddo”. Sangub waxaa lagu tiriyaa amaba uu
yahay abwaanka Soomaaliyeed ee xagga riwaayadaha ugu badan.
Xilligii qaxa iyo dagaalada sokeeye ka dib Sangub waxa uu sameeyay
riwaayado kale oo ay ka mid tahay “Ummad wada qooqaa wax
u qaybi leeyahay”, “Halkii Qoontu ku taalley dhakhtarkii
qali waa”, “Qabyo” iyo “Abbiil ma leh”.
Heesaha waddaniga ah ee caanka ah oo lagu xusuusto waxaa ka
mid ah heesta lagu magacaabo “nin ku siray wax kuu sheeg”
oo hobollada Waaberi ee qaranku ay qaadeen iyo mid kale oo lagu
magacaabo “Yaan Ismiit”. Iyada oo aanan taariikhda
Maxamuud Cabdullahi Ciise Sangub ku soo koobi karin barnaamijkaan
kooban ayaan waxaan jeclnahay inaan idiin soo gudbiyo Maansada
la magac baxdey oo uu abwaanku tiriyey dhawaanahan.
(Taariikhdan kooban
waxaan kasoo qaadaney somaliNet magazine ee soo baxay Feb.2002)
Waxana uu yiri Sangub:-
Colaadahan isdaba
jooga iyo qiiqa demi waayey
Dilka iyo dhibaataday qabto iyo degelka naafoobay
Dumar iyo carruurtii ka madhay doobka reeruhuye
Duqay iyo waxgaradkii la laa daadahayn jiraye
Dillaal iyo Mallaalkii cunay yaa daanyo-qaad u ah
Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
Ninkii dilayey baa doodayee nabadba yow doonay?
Dix-fariisigii baa
ka degay damalkii waynaa
Digadii hulaaqdoon bakhtiyin damal la saarsaar
Doqonna kuguma wadin baa intaa lagu dagaayaaye
Dulli iyo nin liita uun baa qabiil soo dugaashada’e
Dabargooyayaashii ayaa duubka loo xiraye
Daallin iyo Iblays tuug ah ayaad daba ordaysaane
Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay
Kuwa dibedda jooga iyo kuwaa gudaha dooxaaya
Labaduba dugaag weeye oo wax isma doorshaan
Taar bay dul wada yuururtaa oo war dayday ah
Dawarrada wixii lagu helayna waa wada diraynaa
Dayday baa masuul looga dhigay dalawideeniiye
Doonyaha belaayada sida baan daadah leenahaye
Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay
Maskaxda yay dawaar
nagu xireen daabac aan go'ine
Dhegahay naga dabooleen indhahay naga dahaareen
Debnihiyo afkay naga xireen oon diidayba lahayn
Sida haan daloosha yuu warkuba naga dusaayaa
Dareenkii waxa nagala tegay duul habaar qaba’e
Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doontay
Siday diintu tiri,
ruux wax dilay daahir noqon waa
Rabbina muunan dedin oo sharciga diirka ka caddeeye
Doofaar ku taabta iyo isagu wax isma doorshaane
Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay
Dammiin aan wax
qorin jaahil aan downa garanayn
Dirri aan wax gelin oon aqoon deris walaalaynta
Oon soo duweyna baran inuu didiyo mooyaane
Nin isdoortay kelidii intuu duur cidla ah aaday
Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay
War dorraad buu
Kobruhu kugu hanqaray danabka tuuraa
Dan bayna naga lahaayeen inay soo degaan Xamar
Dembina mayna gelin culimadaa gaalku deydeyi
Dadka go'aya waa baarcaddii uu dalku lahaa
Dhiiggaynu wada daawannaa soo darroorimay
Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay
War hay diidin Soomaaliyey
waan idiin digiye
Waxaan dooni een rabo ayaan diirka ka caddayn
Qoys waliba intuu kii dilay mayada deeqsiiyo
Derbi adag quraanjo leh intaan diilinta u saarno
Garbaduub intaynu u xirniyo xarig aan sii daynin
Xakame aan damayn oon baxayn dalaq ku soo siino
Oo derisku ay wada hadlaan daaqsintiyo foofka
Danwadaagtu qaadaadhigaan hadal an daalaynin
Ha la doono Soomaaliwayn ul iyo diirkeed ah
Ama daadsanow qaaradaha lagugu dooxaayo!