Member

Faa’iidooyinka Kumbuyuutarku leeyahay


W.Q. Abuukar Axmed Ibraahim, Karachi

Sida la wada ogasoon yahay horumarka ugu weyn ee uu caalamku gaaray qarnigii 20aad waxaa ugu muhiimsan horumarka laga gaaray aaladda computerka.Horumarka computerku wuxuu sababay isbeddel weyn, taasoo keentay in warshadihii jiray qarnigii 19aad ay ku tallaabsadaan waxqabad ka ballaaran kii ay xilligaas hayeen.
Komputerka wuxuu awood buuxda u leeyahay inuu kordhiyo awooddeena, isla markaasna aan ku baarno wax kasta, xisaabino ama aan xariir kula sameyno dad ku sugan meelo naga fog. Computerku waa qalab la isku geeyay oo leh wax u dhigma awoodda maskaxda bina-aadanka.
Computer-ku waa mashiinka ugu fudud ee lagu xalin karo layliyo badan, wuxuuna kaa aqbalayaa inaad ku keydsato xogtaada, wuxuuna fulinayaa howl-gal sax ah, kaasoo jawaabtiisa ay noqoneyso mid aan khaldaneyn haddii amarrada aad siisay ay saxsan yihiin, cillad dhinaca farsamada ahna aysan jirin.
Computerka waxaa loo isticmaali karaa siyaala badan sida inay wax ku nashqadeeyaan injineerada intii aan la gaarin shaqada saxda ah.
Computer waa mishiinka ugu dhaqsiyaha badan, kaasoo aad ku ilaalsan kartid dukumiintiyaal fara badan, isla markaasna fulinaya shaqada waqti dhan ilbiriqsiyo markii la fiiriyo sida caadiga ah inay qaadan lahayd baryo ama saacado.
Computerka faa’iidooyinkiisa ugu waaweyn ee uu noo qabto waxaa ka mid ah inuu naga caawiyo sida inaan kaga dukaameysanno, inaan ku jaranno tigidhada, xasuus badan gashano, xataa dhaqaatiirta howshooda kama marna.
Sidoo kale waxaan computer-ka u adeegsano internet-ka oo markaasna aan adduunka dhan kula xiriirno, waliba iyadoo qiimo jaban ah. Computerka wuxuu kuu sahlayaa inaad ku qabsato wixii 1000 shaqaale iyo ka badan ay qaban lahaayeen
Haddaba waxaan u soo jeedin lahaa ardeyda Soomaaliyeed inay ku dadaalaan siday computerka u baran lahaayeen, waayo kulliyad kasta oo aad baratid computer-ku waa lama-huraan.

 

 

Copyright 2003 Somali Student All Rights Reserved.
Designed & Developed By Designer Den Studio
Unautherized reproduction or modification of any content displayed or stored on this server, or any portion of it strictly prohbited.