Dugsiga Sare ee Sheekh Xamdaan Binu Zaa'id ee Hargeysa oo booqasho ku tegay magaalada Boorame

Xasan Ciise Raage,
Wakiilka Somali Education ee Boorame, Febraayo 1, 2003

Dugsiga sare ee Xamdaan Binu Zaa’id oo ka dhisan magaalada Hargaysa, isla markaana ay maalgeliso hay’ad Suudaani oo la yidhaahdo Munadamutu dacwatu al-Islaamiya ayaa 30-kii Jannaayo 2003 ku yimid booqasho aqoon is-waydaarsi ah magaalada Boorama, taas oo ka danbaysay marti qaad ay ka heleen dugsiga sare ee Al-aqsa oo ku yaala magaalada Boorama.
Booqashadani ayaa daba joogta martiqaad dugsiga Sheekh Xamdaan uu laba bilood ka hor ku martiqaaday dusiga sare ee Al-aqsa oo ay ugu tageen magaalada Hargaysa. Labada dugsi ayaa yeeshay tartan ciyaar kubadda cagta ah oo ku dhamaatay barabaro, halka sabaxnimadii 31-ka Jannaayo labada dugsi dhexmay aqoon iswaydaarsi ku salaysan su’aalo iyo dood-cilmiyeedyo. Tartanka dhex maray labada dugsi oo ay ka soo qayb galeen dad badan oo reer Boorama ah waxaa ay guushii ku raacday dugsiga sare ee Al-Aqsa oo ku badiyey 10 dhibcood, halka dugsiga Xamdaan uu ka helay 8 dhibcood oo kaliya.
Dadweynaha reer Boorama ayaa aad u soo dhoweeyay ardeyda reer Hargeysa ee ku soo booqatay magaaladooda, waxayna tallaabadaasi ku tilmaameen inay tahay mid abuureysa in ardeydu is bartaan, iskuna diyaariyaan sidii ay tartano aqaan-kororsi ah isu weydaarsan lahaayeen.

 

Copyright 2003 Somali Students All Rights Reserved.