Ardeyda Soomaaliyeed:
Maxay dalkooda, dadkooda iyo naftoodaba u qaban karaan?
WQ.
Daahir Xasan Carab
Anigoo
ka qeyb qaadanaya doodda bogga (Aqoonta Soomaalida), waxaan
qabaa in Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata dibadaha sida
ugu sahlan ee ay dadkooda, dalkooda iyo naftooda wax ugu qaban
karaan inay tahay:
1- Waxay naftooda wax ugu qanab karaan.
Inay isku kalsoonadaan.
2- Waxay dalkooda wax ugu qaban karaan.
Inay garwaaqsadaan dal waxaa dhisa, difaaca, dumiya dhallinyaro,
inay noqdaan kuwii dhisi lahaa.
3. Dadkooda waxay wax ku tari karaan.
A- Ugu horreyn inay wax isku taraan,
B. Fursada la siiyay ee ah inay dibad wax ku bartaan inay ka
abaal gudaan.
C. Aqoonta ay baranayaan/barteen inay la tagaan dalkooda, ayna
uga faa’iideeyaan dadkooda.
Ugu dambeyntii Soomaliya halka ay maanta taal waxaa dhigay kuwa
dibadaha wax ku baranaya walaalahood, dariskood, iyo Jaallayaashoodii
iskuulka iyo jidka. Sidaas daraareed qof kastaahi waxaa ku waanin
lahaa inta aanu ku laaban dalkii inuu gaarsiiyo dadkiisa, macaanka
nabdgalyada, horumarka iyo mustaqbalka iftiimaya ee ay ku naaloonayaan
ardayda wadanka uu joogaa. Ardey kasta oo Soomaaliyeed waan
in uu ka masayraa kana ciishoodaa dhibaatada heysata naftiisa,
dadkiisa, iyo dalkiisa. Dow maahan inay ka sii fakaraan sidii
waddan kale oo shisheeye ay u sii aadi lahaayeen amaba qaxooti
maciin bidaan.
Ardeyda Soomaaliyeed ee dibadaha wax ka barta, waa inay noqdaan
kuwo wax weyn ka barta waddamada ay ku nool yihiin, Faa’iidooyinka
ay ka bartaana waa inay uga faa’iideeyaan malaayiinta
iyaga ka war dhowraya.
Ugu danbeyntii waxaa imaan doonta maalin qof kasataahi lala
xisaabtamo oo waajibka ka saaran naftiisa, dadkiisa iyo dalkiisa
la weydiin doonaa.
Ugu danbeyntii waxaan u mahdcelinayaa Ardeyda Somaliyeed ee
isku xilqaantay sameynta Site-kan, iyo abuurida mowduucyada
muhiimka ah.
Daahir Xassan Carab