Dood Furan
W.Q CABDULJABBAR CABDULKARIIM AXMED
Faculty of Pharmacy, University of Sindh
Haydarabad, Pakistan
Asalaamu calaykum
walaalayaal salaan kadib aniga oo ka faa'iidaysanaya fursadaan
qaaliga ah ee uu isiiyay boggan somalistudents.net waxaan qabaa
in ardayda soomaaliyeed ee dibadaha wax ku barata ay naftooda
iyo tan dalkoodaba wax ugu qaban karaan.
Waa midda horee, naftooda waxay ugu qaban karaan iyaga oo ku
shaqaysan kara xirfadda ay barteen, taasoo faa'iido u ah dadkooda
iyo dalkoodaba.
Tan labaad aan u sii gudbo oo ah dalkooda wax ma ugu qaban karaan?
Runtii aad ayay u anfici karaan waa hadday yihiin dad u hammuun
qaba inay dalkooda wax ku soo biiriyaan iyaga oo kaga faa'iidaysanaya
cilmiga ay soo barteen iyo technologyada casriga ah, taasoo
indhaha u furi karta malaayiinta Soomaalida ah ee u ooman waxbarsho
casri ah.
Su'aasha sadexaad dadkooda wax ma ku soo kordhin karaan?
Jawaabtu waa haa sidaan la socono dadkeenu wuxuu u baahan yahay
dad leh aqoon ha ahaato science, Arts, iyo barashada diinta
islaamka .
Dadkeena waxa ka reebay qayrkood waa aqoon-darro kaliya, waxaana
ka saari kara dadka wax ku barta ama ku bartay dalalka dibadda
maadaama ay maanta jirin hab waxbarsho oo habaysan ama casri
ah dalka gudahiisa.
Ardayda wax ku barata ama ku baratay dibadda waxa ay soo min-guurin
karaan dhaqamada shisheeye, ha ahaato mid wanaagsan ama mid
aan faa'iido u lahayn diinta, dadka & dalkaba.
ugu danbayntii waxaan illaah ka rajaynaa inuu naga dhigo kuwii
dadkooda iyo dalkooda wax ku soo kardhiya, aana iska illowno
waxaan faa'iido u lahayn dadkeena iyo dalkeena.