Dalladda waxbarashada
gaarka ah ee Soomaaliya oo dooratay Guddoomiye iyo ku-xigeenno
cusub
Somalistudents, Muqdisho, Jannaayo 8, 2003
Dalladda waxbarashada
gaarka ah ee Soomaaliya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanno
FPENS ayaa 6dii Jannaayo magaalada Muqdisho ku qabatay doorashada
xilalka Guddoomiyaha iyo ku-xigeennada markii ugu horreysay
tan iyo markii dalladdaasi dhidibada loo aasay bishii Jannaayo
ee sanadkii 1999kii.
Doorashadaas oo ahayd mid furan oo ay saxaafadda gudaha goob
joog ka ahayd ayaa waxaa jagada guddoomiyennimada loogu doortay
Mudane Shariif Maxamed C/laahi Xuseen oo isla markaana ah Madaxa
Soomaaliya ee Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta,
iyadoo 57 ka mid ah 63dii qof ee codkooda dhiibatay ugu shubeen
guddoomiyaha cusub oo aysan jirin cid la tartantay. Sidoo kale
doorashada ku-xigeenka 1aad oo u muuqatay inay ka yara adag
tahay tahay tan guddoomiyennimada marka la eego tirada musharixiinta
isu soo tagatay jagadaas ayaa waxaa ku-xigeenka 1aad ku guuleystay
Mudane Faarax Sheekh C/qaadir, oo xilka ku-xigeenka guddoomiyennimada
soo hayay tan iyo markii la aasaasay Dalladda, kadib markuu
codkii kaga adkaaday 3 musharrax oo jagadaasi kula tartantay.
Guddoomiyaha cusub ayaa xilka la wareegaya kadib markii Dalladda
waxbarashada gaarka ah ay soo shaqeyneysay muddo 3 sano ah,
waxaana Gudoomiyihii xilka ka dagay Mudane Axmed C/laahi Sheekh,
isla markaana ahaa Madaxa hay’adda Imaamu Shaafici, uu
ku guuleystay intuu xilka hayay inuu ku qanciyo dalalka Sudan
iyo Yemen inay aqoonsadaan shahaadada dugsiyada Dalladda, iyadoo
dalka Sudana u deeq waxbarasho u fidiyay ardeydii ugu badneyd
ee Soomaali ah ee mar kaliya dal shisheeye jaamacad ka hesha.
Guddoomiyaha cusub Mudane Shariif Maxamed C/laahi wuxuu ka soo
shaqeeyay meelo kala duwan, isagoo xilal kala duwana ka soo
qabtay xukumaddii Maxamed Siyaad. Sanadihii ugu dambeeyayna
wuxuu ku howlanaa arrimaha daryeelka Soomaalida, iyadoo hay’adda
uu madaxda ka yahay ay dalka ka furtay dusgiyo badan oo aasasi
illaa sareba leh.
Dalladda FPENS oo ku billaabatay dhowr iyo toban hay’ad
waxaa haatan xubno ka ah 31 hay’adood oo arrimaha waxbarashada
ka shaqeeya, waxaana haatan diyaar u ah in ay soo ku biiraan
illaa 4 hay’adood oo haddii ay ku soo biiraan tirada ka
dhigeysa 35 hay’adood. Tirada ardeyda ay hay’adahani
gacanta ku hayaan ayaa kor u dhaafeysa illaa 50,000 oo ardey.