Dalladda Waxbarashada ee SAFE oo sheegtay inaysan waxba kala socon warqadaha furan ee la saxiixayo

Muqdisho, Jannaayo 19, 2003

Dallada waxbarashada SAFE ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqday inaysan waxba kala socon ololaha loogu jiro saxiixida warqadda cabashada furan ee ay markii ugu horreysay soo hindiseen culumaa'diinka, dalladaha waxbarashada FPENS, iyo ururada bulshada rayidka ah ee magaalada Muqdisho.
Qoraal saxaafada loogu talagalay oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Dalladdaasi SAFE, Mudane Xuseen Calas, ayaa lagu sheegay in dalladu ay ka xun tahay falalka amni-xumada ah ee ku soo badanaya magaalada Muqdisho, balse aysan illaa iyo hadda waxba ka ogayn waxa ay ku tilmaameen kharashyo ay koox gaar ah doonayso inay si dadban bulshada uga uruursato.
Warkaan ayaa ku soo beegmay xilli magaalada Muqdisho ay ka socoto qeybinta waraaqaha ‘Baaqa Cabashada Furan’.
Xigasho: Ruunkinet

 

Copyright 2003 Somali Students All Rights Reserved.