CUDURKA AIDS-KA
Muxuu yahay, sidee
lagu kala qaadaa, maxaana looga hortagi karaa?
W.Q. Faarax Axmed Muuse,
Master of Clinical Microbiology,
University of Karachi
Cudarka Aids-ka waxa
uu fara ba’an ku hayaa malaayiin qof oo dunida guudkeeda
ku nool, waxaana u nafwaaya dad aan yareyn maalin walba. Cudarkan
oo mashquuliyay maskaxda khubaro badan oo cilmiga sayniska ku
takhasusay sidii ay xal ugu heli lahaayeen, dowlado badan iyo
hay’ado samafaleedna ay geliyeen maalaayiin doolar oo
lacag ah sidii loo xakameyn lahaa cudarkan dilaaga ah. Hadaba
waxaa lama-huraan ah inuu qof waliba fikrad ka haysto waxa uu
yahay Aids, waxa keena, heerarka uu maro bukaanka cudarkan qabaa,
calaamadaha lagu garto iyo siyaabaha kala duwan ee la isugu
gudbiyo feyruska keena Cudurkan.
Cudurkan waxaa keena nooc ka mid fayraska oo loo yaqaan HIV
(Human Immunodifeciency Virus), feyraska noocani waxa uu toos
u weeraraa unugyada difaaca jirka Aadamiga, weerarkaas kadib
hidda-sidaha Feyraska HIV-ga (DNA) waxa uu toos ula midoobaa
hidda-sidaha qofka bukaanka (DNA of the host), waxaana dhacda
in ay mideysnaadaan muddo aan yareyn inta badana lagu qiyaaso
5-10 sanadood, xilligaas oo qofka bukaanka ahi uusan muujin
wax calaamado cudur ah (Assymptomatic period). Muddadan kadib
waxaa dhacda inuu feyras badani ka soo tarmado hidda-sidayaashii
mideysnaa, dabadeedna weeraro unugyada kale ee jirka, gaar ahaan
unugyada difaaca ee loo yaqaan 'T4 cells' oo ah qeyb ka mid
ah unugyaada cad-cad ee dhiigga (WBCs), hoos u dhaca ama baaba’a
ku yimaada unugyada difaaca ayaa sababa inuu qofku u nugloonaado
cudaro badan oo qofka caafimaadka qaba aan waxba ku aheyn sida
Hargabka, Qaaxada, dhaawacyada, iwm, kuwan oo inta badan sababa
dhimashada qofka cudurka Aids-ka qaba.
CALAAMAADAHA
LAGU GARTO BUKAHA CUDARKA AIDSKA
Calaamadaha lagu
arko bukaha cudurka Aids-ka qaba waxaa loo kala saaraa saddex
marxaladood oo kala duwan.
Calaamadaha la arko xiliga bilowga qaadida Feyraska
HIV-ga (Period of Acute Infection).
Muddo ku siman toddobaadyo ama ugu badnaan sanad, taasoo ka
billaabaneysa xilliga u horreysa ee uu bukuhu qaado feyraska
HIV-ga ayaa ah xilliga u horreeya ee qofku muujiyo calaamado
cudur, waana xilliga ugu horreeya ee baaris cudurkan ku saabsan
la sameyn karo, si kastaba ha ahaatee caalamadaha uu muujiyo
bukuhu marka uu marxaladan joogo waxaa ka mid ah:
1. Qandho (fever)
2. Madax xanuun (headache)
3. Barar iyo xanuun ku yimaada qanjirada difaaca (lyphadenopathy)
4. Caabuq ku yimaada gudaha dhuunta (pharyngitis)
5. Murqo xanuun (myalgia)
6. Daal (fatigue)
7. Xanuun ku yimaada kala-goysyada (arthratgia)
8. Finan yar-yar oo jirka ka soo yaaca (Macular rash).
Xilliga calaamad la’aanta (Assymptomatic period)
Calaamadahaas aan soo sheegnay waxa ay bukaha ka muuqdaan muddo
aan badneyn oo ku siman maalmo ama toddobaadyo, kadibna bukuhu
waxa uu u muuqdaa qof ladan oo caafimaad qaba xataa waxaa adkaata
in baaris lagu ogaado inuu qabo cudurkan iyo in kale in la isticmaalo
qalab horumarsan mooyee, taasna waxaa ugu wacan hidda-sidaha
Feyraska HIV-ga (DNA) iyo midda bukaha ayaa midooba, taas oo
keenta inuusan feyrasku muujin taran ah, taas oo macnaheedu
yahay inuusan jirin wax feyras (HIV) ah oo weerar ku haya unugyada
difaaca jirka. Sidaa darteed ayuusan bukuhu muujin wax calaamado
cudur ah. Maraxaladdan calaamad la’aanta ah ayaa inta
badan lagu qiyaasaa in ay ku sinnaan karto 5-10 sanadood, balse
ogow qofkani waxa uu awood u leeyahay inuu cudurkan gudbiyo.
Calaamadaha
la arko xiliga u danbeya ee cudarka (crisis stage or Aids)
Muddadaa dheer ee uusan bukuhu muujineyn wax calaamado cudur
ah kadib, ayuu feyraska (HIV)-gu bilaabaa inuu tarmo (replication),
uuna weerero unugyada difaaca jirka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan
"T4 cells", kuwaasoo ka mid ah unugyada cad-cad ee
dhiigga (WBCs), taas oo ugu dambeynta keenta inuu difaaca jirka
hoos u dhaco amaba howl gabo gebi ahaanba. Marxaladan marka
uu gaaro bukuhu waxaa dhib ugu filan cudur yar oo ku dhaca sida
hargab, iwm, kaas oo keeni kara dhimashada bukuha, calaamadaha
inta badan lagu arko dhibbanaha cudurkan qaba ayaa waxaa ka
mid ah.
1. Barbaro cad-cad (finan) ka soo yaaca carabka, cirridka iyo
gudaha dhabanada (oral hairy leukoplakia)
2. Miisanka qofka oo si joogta ah isu dhima (weight loss)
3. Daal badan (fatigue)
4. Dhidid habeenkii ah (Night sweats)
5. Shuban joogta ah.
6. Nabarro maqaarka sare ka soo baxa (koposis sarcoma)
Inta badan qofku marka uu marxaladan joogo waxa uu nuglaanaadaa
cudarrada ay keenaan Bagteeriyada , fungaska, iyo qeybaha kale
ee feyras-ka, kuwaas oo inta badan soo dedejiya dhimashada bukaha.
SIYAABAHA LA ISUGU GUDBIYO FEYRASKA (HIV) EE SABABA
CUDURKA AIDS-KA
Feyraska HIV-ga
waxaa la isugu gudbin karaa siyaabo fara badan sida:
1. Galmo lala sameeyo qof qaba cudurka Aids-ka.
2. Hooyo cudurka qabtaana waxa ay u gudbin kartaa ilmaha ay
uurkiisa yeelato, kaas oo ku dhasha cudurkan laayaanka ah.
3. Dhiigga laga soo qaaday qof cudurka qaba oo lagu shubo qof
kale ama la taabsiiyo nabar ama dhaawac jirkiisa ka mid ah.
4. Makiinad, qalabka qalliinka, iyo qalabka loo adeegsado ilkaha
oo loogu adeegay qof cudurka Aids-ka qaba, qalabkaas oo loo
adeegsado qof aan qabin fayruska.
5. Waxaa kale oo cudurkan la isugu gudbin karaa feyraska HIV-ga,
caanaha, candhuufta, iyo dheecaanada kale ee jirka qofka Aids-ka
qaba.
KA-HORTAGGA, XAKAMEYNTA IYO DAAWEYNTA CUDURKA AIDS-KA.
Ka hortagga iyo
xakameynta faafidda cudurkan ayaa ah mid sahlan haddii aragti
islaami ah lagu fiirsho, noqon kartana mid aan sahlanayn haddii
dhaqanka reer galbeedka loo fiiriyo, sababtuna waxay tahay faafidda
cudurka AIDS-ka ayaa ah mid ku salaysan gogol-dhaaf (sino) iyo
anshax-xumo (fuxshi) inta badan, dadka uu ku dhaco ayaa intooda
badani yihiin ragga-ragga u taga (khaniisiin) iyo dumarka iyo
ragga gogol-dhaafka sameeya. Ka-hortagga cudurkan ayaa qoloba
si u aragtaa, tusaale ahaan Reer Galbeedka ayaa aaminsan ku-barbaarinta
iyo baridda carruurta qaababka galmada (Sexual education) iyo
isticmaalka cinjirada (condoms) inay tahay qaabka ugu wanaagsan
ee cudurkaan looga hortegi karo, balse waxaa la oran karaa waxay
ka taliyeen oo kaliya faafiddiisa, waayo fayraska (HIV)ayaa
ah mid laysugu gudbin karo candhuufta iyo dhunkashada .
Si kastaba xaaladdu
ha ahaatee siyaabaha ugu wanaagsan ee cudurkan looga hortegi
karo ayaa ah
1)
Qofka oo ku ekaada gurigiisa xalaasha ah.
2) Wacyi-gelin dadka lagu wacyi geliyo waxa uu yahay cudurkani.
3) Dhiigagga la deeqo oo baaris lagu sameeyo intaan qofka kale
lagu shubin.
4) Sirinjiga qof lagu duro inaan qof kale loo isticmaalin.
Dhanka kale, haddii
aan ka eegno ma jirto illaa hadda wax tallaal ah oo cudurka
AIDS-ka looga hortegi karo, taasna waxaa ugu wacan borotiinada
loo yaqaan (antigens) ee ku dahaaran fayraska HIV-ga ee uu ku
weeraro unugyada difaaca jirka ayaa ah kuwa isbeddelid badan,
waxaana la arkaa qof kaliya in laga helo boqollaal fayraska
HIV-ga ah oo leh borotiinadaas oo kala duwan. Wuxuu qofku is
weydiin kara maxay tahay xiriirka ka dhexeyn kara tallaalka
(vaccine) iyo borotiinadaan (antigens)? Tallaalka ayaa ah jeermis
(Bacteria ama Virus) la dilay ama awooddiisii cudur-keenid la
wiiqay amaba borotiinada (antigens) ku dheehan jeermiska mid
ka mid ah, kadibna lagu duro ama afka laga siiyo qof caafimaad
qaba si uu unugyada difaaca jirkiisa uu cariyo si ay isaga difaaci
lahaayeen weerar kaga yimaada jeermiska tallaalkan laga samayay.
Mar haddii uu fayraska HIV-da uu yahay mid is beddelid badan
waxaan suuragal ahayn in loo helo tallaal rasmi ah.
Waxaa iyana dhibaata
badani ka taagan tahay sidii daawo loogu heli lahaa bukaha cudurkan
qaba, maxaa yeelay daawooyinka illaa hadda la soo saaray ayaa
noqday kuwa aan waxtar badan lahayn, balse dhibaataba u geysta
hidda-sidayaasha dhibbanaha (genome of the patient).
Si kastaba ha ahaatee, cudurka AIDS-ka ayaa caalamku heegan
ugu jireeen illaa iyo siddeetamaadkii sidii ay xal ugu heli
lahaayeen, illaa iyo haddana wax xal ah looma hayo daawayntiisa
iyo ka-hortaggiisa midnaba. Qoraalkaygan ayaan waxaan doorbiday
inaan ku soo gabagabeeyo sida uu islaamku u arko cudurkan AIDS-ka
.
ISLAAMKA
IYO CUDURKA AIDS-ka
Diinta islaamka ayaa si wanaagsan uga hadashay dhinacyada nolosha
aadanaha oo dhan, iyada ayaana ah dastuurka casri walbaba la
jaan-qaadi karta. Xadiis saxiix ah oo ka sugnaaday Nabiga (SCW)
ayaa macnihiisu yahay (SINADA IYO FAAXISHADU KUMA FAAFTO UMMAD
HADDII AY KU FAAFTANA RABI WUXUU KU IBTILAYAA CUDURO AYSAN AABAYAASHOOD
HORAY U AQOON). Xadiiskan ayaa ah mid ka turjumaaya xaaladda
aynu maantay joogno. Haddaba cudurka AIDS-ku miyuusan ahayn
mid ka yimi gogol-dhaaf (sino) iyo anshax-xumo (fuxshi) la sameeyay?
Miyeysan dalal badan oo dunida ka mid ahi u ololaynayn inay
raggu ragga guursan karaan, dumarkuna dumarka guursan karaan?
Saynis ahaan iyo islaaami ahaan markaanu ku fiirinnay cudurkan
AIDS-ka ah waxaa inoo caddaatay ibtilo uu Ilaahay aadanaha ku
ibtileeyay kadib markii ay marin-habaabeen, daawadiisa rasmiga
ah ayaana ah dastuurka Rabbi soo dejiyay (Quraanka iyo Sunnaha)
oo sida uu yahay loogu dhaqmo.