Sidey u ciideen ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Yemen?

Somali Education - Febraayo 13, 2003
Ardeyda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen ayaa Arbacadii 12-ka Febraayo magaladaasi ku qabatay xaflad ay ku xusayeen munaasabadda ciidda barakeysan ee ciidul-Adxaa, xafladdaas oo ay ka soo qeyb galeen marti sharaf kala duwan oo ka kala socotay safaaradda Soomalida, maamulka ardeyda Jabuutiyaanka, ardey iyo dadweyne Soomaaliyeed oo xafladda lagu martiqaadayba.
Xafladdaasi oo ardeydii ka qeyb gashay ay aad ugu riyaaqeen barnaamijyada lagu soo bandhigay, waxaa hadal ka jeediyay Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Yemen, Mudane C/salaan, oo ardeyda kula dardaarmay in mas’uuliyad weyni ka saaran tahay sidii ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qaban lahaayeen. Safiirku wuxuu ardeyda ku adkeeyay inay ogaadaan in dalkooda uu sugayo, ayna yihiin ardeydu kuwa ka saari kara dalkooda dhibaatooyinka maanta haysta.
Xafaladdaas oo ku soo gabagabowday si heer sare ah, waxaa ardeydu isugu hambalyeynayeen munsaabaddani weyn, iyagoo isla markaana xusayay inay dhararayaan xilliga ay isku arki doonaan munasabad caynkan oo kale ah.

C/Fataax Mansuur, Sanca - Yemen

 

Copyright 2003 Somali Students All Rights Reserved.