Ardeyda Soomaaliyeed
ee dalka Pakistan oo u dabbaaldegtay Ciidda
Karachi
- Somali Education, Febraayo 12, 2003
Soomaalida ku nool dalka Pakistan ayaa maanta oo Arbaco ah la
ciiday dadweynaha Pakistan oo sida caadada ah 1 ama 2 maalin
ka dambeeya maalinta rasmi ahaan laga ciido caalamka Islaamka.
Dadweyne u badnaa ardey wax ka barata jaamacadaha kala duwan
ee magaalada Karachi ayaa saaka isugu soo baxay fagaaraha Safari
Park, iyagoo halkaasi ku tukaday salaaddii ciidda oo uu imaam
ka ahaa Sheekh Bashiir, oo ah bare Soomaaliyeed oo wax ka dhiga
jaamacadda Abuubakar ee magaalada Karachi. Sheekh Bashiir oo
madashaasi khudbad u jeedinayay dadkii ka soo qeyb galay oo
u badnaa shisheeyaha Muslimka ah ee ku dhaqan magaalada Karachi
ayaa wuxuu ku dheeraday fadliga ay leedahay maalinta ciidda
weyn ee ciidul-adxaa iyo waxyaabaha looga baahan yahay qofka
Muslimka ah.
Guud ahaan ardeydii halkaasi isugu timid ayaa la arkay iyagoo
isugu tahniyadeynaya munaasabaddan, iyagoo isla markaana si
wadar ah isugula galayay sawirro taariikhi ah.
Sidoo kale, ardeyda Soomaaliyeed ee Pakistan waxay dabbaaldegyo
noocan oo kale ah ka sameeyeen magaalo-madaxda Pakistan ee gaalada
Islamabad, magaaladaas oo ay isugu tageen inta badan ardeyda
Soomaaliyeed ee wax ka barata gobollada waqooyi ee dalka Pakistan.
Guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Pakistan
ayay kaaga muuqan kartaa ay ka xun yihiin inaanay maalinta ciidda
la qeybsan dadyowga Muslimiinta ah ee caalamka, hase yeeshee
waxay intooda badan la qabsadeen dhaqankan oo soo-jireen ka
ahaa dalka Pakistan tan iyo markii dadkii ugu horreeyay ee Soomaali
ah dalkan waxbarasho u yimaadeen tobaneeyo sano ka hor.