Member

Nimaan dhididin ma helo dheef

W.Q. Maxamed Xasan Cawaale, Khartuum-Suudaan

Inteena badan waxaan aaminsannahay in dadaalka aan wadno maalin un aan ka nasan doono, hase yeeshee sheekada soo socota ayaa noo caddeyneysa in adduun shaqo ka dhamaaneyn cimrigaad doonto ka jooge. Sheekadiina waxay tahay sidan:
Waa baa waxaa dhacaday nin ayaa wiilkiisa wuxuu geeyay dugsi galinka danbe ah, wuxuuna aroor hore ku kallihin jiray inuu raco doon reerku leedahay, iyadoo wiilku keeni jiray wixii habeenkaas shabaagta ku dhacay. Wiilku oo ahaa mid caajis badan maalin kasta ayuu aadi jiray, wuxuuna ka imaan jiray barqadii, kadibna wuxuu isku diyaarin jiray dugsigii waxbarashada.
Markuu dugsiga ka soo noqdo goor maqribkii ah wuxuu aadi jiray badda si uu u soo dhigo shabaagta. Muddo kadib ayuu wiilkii aabihiis ku yiri “Aaboow aakhiro hurdo ma taallaa?” Markaasuu aabihii yiri “Maanya galoowgeed kulligeed howl waaye” oo micnaheedu tahay “meel howl la’aan ah ma jirto”. Sidaasi darteed ayaan ardeyda Soomaaliyeed u sheegi lahaa in nimaan dhididin uusan dheef heleyn!!

Copyright 2003 Somali Student All Rights Reserved.
Designed & Developed By Designer Den Studio
Unautherized reproduction or modification of any content displayed or stored on this server, or any portion of it strictly prohbited.