IT iyo Xawaaraheeda Maanta
W. Q. Cabdulaahi
Aadan Cumar Fuul - Karachi
Sida
aynu ogsoonahay caalamku maanta wuxuu marayaa marxalad aad u
saraysa iyo horumar dheeraad ah IT (information Technology)
ayaa run ahaantii ku socota xawaare aad u saraysa. oo aad moodidba
inay noqotay qaybka mid ah nolosha bini’aadamka ee manta,
hadaba maqaalkan waxaan jeclahay bal inaan umada soomaaliyeed
gaar ahaan ardayda wax kabarata adduunka daafihiisa inaan bal
wax yar aan shaaca ka qaado. cilmiga IT-da (information Technology)
iyo bal waxa ay tahay.
Intaanaan u guda gelin IT-da, iyo qaybeheeda waxaa dad badani
is waydiinayaan ‘Maxaa IT-da asal u ah ama u aabe ah ?”
waayo wax kastaaba wuxuu leeyahay assaas. Si fudu waxaad u oram
kartaa IT-da waxaa u asal waa waxa loo yaqaano Computer, marka
bal aan is waydiino aqoonta
kumbiyuutarku waxay noqotay qeyb muhiim ah oo ka mid ah nolosha,
waxaa la oran karaa kumbiyuutarka waxaa maanta loo adeegsadaa
wax kasta oo ka mid ah nolosha casriga ah, sidaa darteed waxa
nala qummanaatay inaan ummadda soomaaliyeed ku dhiirrigalinno
barashada kumbiyuutarka, maqaalka manta aan ugu tala galay IT-da
waxa uu ka kooban yahay qaybaha soo socda.
Taariikh
kooban.
Noocyada
Kumbiyuutarka.
Taariikh
kooban. Kumbiyuutarkii ugu horreeyay waxaa la soo saaray
sanadkii 1946, Waxaana la oran jiray ENIAC. Wuxuu ka koobnaa
in ka badan 18,000 (Siddeed iyo toban kun) oo waayarro (xarigga
korontada) waaweyn ah sida aad qiyaasi karto kumbiyuutarkaasi
aad ayuu u weynaa wuxuuna keligiis buuxin jiray guri weyn. Miisaankiisu
wuxuu ahaa 30 tan oo u dhiganta ilaa 30 baabuur oo yar yar.
Kumbiyuutarkaas waxaa la isticmaalayay muddo toban sano ah laakiin
haba weynaadee ma uusan qaban karin wax ka badan inta uu maanta
qabto xisaabiyaha yar ee jeebka lagu qaato (calculator).
Sanadkii 1975 ayaa
waxaa la soo saaray kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee loogu tala
galay isticmaalka guryaha iyo xafiisyada. Shirkadihii ugu horreeyay
soo saaridda kumbiyuutarradaasna waxaa ka mid ahaa Apple, Commodore,
Tandy, MITS iyo Atari.
Sanadkii 1981 ayaa shirkadda IBM oo caan ku ahayd kumbiyuutarrada
waaweyn waxay soo saartay kumbiyuutarkeedii ugu horreeyay oo
loogu tala galay inuu qofka caadiga ahi isticmaalo. Sanadkaas
wixii ka dambeeyay wuxuu horumarka kumbiyuutarku ku socday xawli
aad u dheereeya taasoo keenatay in ay kumbiyuutarrada maanta
la isticmaalaa ka dheereeyaan, ka awood badan yihiin kana miisaan
fudud yihiin isla markaana uu qiimahahoodu aad iyo aad uga jaban
yahay kii ay IBM soo saartay 1981.
Shirkado fara badan
oo adduunka ku kala baahsan ayaa qaatay qaabdhismeedkii IBM,
taasoo keentay in kumbiyuutarrada noocaas u dhisani ay suuqa
qabsadaan. Waxaa kumbiyuutarrada noocaas u dhisan loo yaqaannaa
Personal Computers(PC), waxaana soo baxay noocyo fara badan
oo wata magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: XT, AT, PS/2
iyo taxanaha 8086 oo ay ka mid yihiin kuwa loo yaqaan 286, 386,
486 iyo Pentium.
Noocyadaas waxaan si faahfaahsan uga hadli doonnaa casharradeena
dambe.
Noocyada kumbiyuutarka:
Kumbiyuutarka waxaa maanta loo qeybiyaa afar nooc oo kala ah:
Super Computers
Big Computers
Mini Computers
Personal Computers
Super Computers
iyo Big Computers: Kombiyuutaraddan aad ayay u waaweyn
yihiin waxaana uu qiimahoodu gaarayaa malaayiin doollar. Noocayadaan
waxaa isticmaala shirkadaha aadka u waaweyn, hey'adaha dawladaha
iyo jaamacadaha waaweyn, waxayna hal mar fulin karaan hawlo
fara badan mana aha wax lala yaabo in boqolaal qof ay isku mar
hal kumbiyuutar u diraan shaqooyin kala duwan uuna isku wakhti
ugu wada fuliyo hawlahooda oo dhan.
Kumbiyuutarrada
noocaan ah waxaa ka shaqeeya dad si gaar ah loogu tababaray
oo la yiraahdo operators. Waxay kaloo u baahan yihiin xannaano
gaar ah oo ah xagga cimilada taasoo micnaheedu yahay in laga
ilaaliyo kulaylka iyo qabowga badan labaddaba.
Mini Computers: Mini Computers waxay la dhismo
yihiin labada nooc ee hore laakiin wey ka baaxad yar yihiin.
Waxaana loo isticmaalaa hawlaha warshadaha sida xisaabinta iyo
hagidda hawl qabadkooda. Sida badan waxay isku mar qaban karaan
ilaa konton arrimood.
Noocaani labada nooc ee hore wuu uga adkaysi badan yahay xagga
cimilada umana baahna operator joogto ah.
Personal
Computers (PC) Noocani waa nooca ugu yar inta badanna
laga isticmaalo xafiisyada, iskoollada iyo guryahaba. Noocaan
oo loo soo gaabiyo PC aad buu u yar yahay marka loo eego kuwii
aan horay uga soo hadalnay, waxaa loogu tala galay in la saaro
miis dushiis, iwm.
PC waa nooca ugu badan xagga soo saaridda uguna jaban xagga
qiimaha, noocaan waxaa markii hore loogu tala galay in qofka
isticmaalyaa uu markiiba isticmaalo hal program haddase waxaa
caadi ah in la isku xiro kumbiyuutarro badan (Computer Network)
halkaasna ay dad fara badani isku mar ku wada isticmaalaan hal
program ama in ka badan.
Internetka
Iyo qaybihiisa
Shirkadaha internetku waxay u kala baxaan dhowr
qaybood oo maantay caalamka lagawada isticmaalo balse sida caadiga
ah waxaa maantay aduunka ka caan ah labada shirkadood ee aadka
u waa wayn aduunkana aadka ugu baahay ee kala ah
Internet
Explorer.
Netscape Navigator
Labadan shirkadood
ayaa waxaa ka dhexeeya loolan aad uwayn iyo tartan inkastoo
ay hadana aad iyo aad ay ukala horayaan oo aysan is ag imaan
karin waayo shirkada Internet Explorer waa shirkad aad iyo aad
uga horaysa shirkada Netscape taariikh ahaanna way ka horaysay,
hadana way ka caalamisan tahay, dadka isticmaala Internet Explorer-ka
ayaa lagu qiyasaa balaayin qof inay kor u dhaafeen halka Netscape..
ay macaamiisheedu aad uga hoosayso.
Isticmaalayaasha
Internetka waxay isticmaalaan 70% Internet Explorer halka ay
Netscape istimaasho wax kayar 30%, Netscape Navagator runtii
aad buu muhiim u yahay wuxuuna aad ugu wanaagsan yahay qaybta
loo yaqaano SECURITY waayo hadaad isticmaasho Netscape computerkaagu
waa kuu aamin, cid IP-gaaga ama xogtaada arki karta malahan
ilaa khubarada waa yeeen ee loo yaqaano HACKERS-ka maahane.
Netscape Navigator wuxuu awood u leeyaha inuu soo saaro ama
uu ku tuso waxyaaba uusan internet Explorer-ku uusan awood u
layahayn sida qayb ka mid ah SCRIPT-tiga (Java Script) sida
BLINK markii aynu isticmaalayno html blink (fareejo) kuma soo
daabici karno Internet Explorer waayo awood uma laha. Sanadadan
cusub ee 2003-da waxaa shirkada Microsoft ay soo saartay Maqaal
dheer oo ay kaga hadlayso internet Explorer oo ay ku cadaynayso
inuusan aamin ahayn oo markaad ONLINE tahay dhamaan xogtaada
aad ku daalacanayso Internet Explorer-ka laga daalacan karo
meelkasta ee aduunka ka mid ah waayo wuxuu duubayaa IP addresskaaga
Marka laga hadlo dhanka SECURITY waxaa 100% ku horaya Netscape
Nafigator-ka. Intaas ayaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkaygii
inkastoo aytahay IT-du wax aad u balaaran aana lasoo koobi Karin.
balse waxaan jeclahay wixii dhiman inaan gadaal kaga soo dari
doono hadii alle yiraahdo.
Cudu daar:
waxaan ka cudur daaranayaa in asal ahaan IT-du ku daabacan tahay
luqadda Englishka oo aanan ilaa hadda lawada haynin erey bixin
rasmi ah oo luqadda soomaali-ga ah marka saas awgeed kelmedaha
loo waayo afsomali sidooda ayaan u soo qoraynaa hadii alle yiraahdo
.. waayo wax yaaba badan oo aan is waafaqayn ayaa jira.