CARRUURTA SOOMAALIYEED
& DAGAALLADA SOKEEYE
W.Q. Axmed Qaasim
Faarax (Caato), Karachi, Pakistan
Daaweynta dhaawacyada
bulsho ee uu dagaalka sokeeye reebay waa kuwo badan. Waxayna
u baahan tahay in daraasad weyn lagu sameeyo, laakiin waxa ugu
dhaqsaha badan ee ah in tallaabo deg deg ah laga qaado waa in
la xaqiijiyo dadweynaha gaar ahaan carruurta inay helaan waxbarasho
aasaasi ah, cunto ku filan iyo biyo nadiif ah oo ay kaga badbaadaan
cudurrada dilaaga ah. Balse daraasad cilmiyeed cusub ayaa hoosta
ka xariiqeyday ka-taxadaridda carruurta waalid la’aanta
ah; waxayna daraasaddu ku talinaysaa in la joojiyo carruurta
laga dhigo askarta, laguna wacyi galiyo inaysan qoran kooxaha
jabhadaha ah iyo cid kasta oo ku lug leh falalka ceynkaas ah.
Daaweynta carruurta ku waxyeellowday dagaalladana in lagu dhiiri
galiyo inay waxbartaan, dibna loogu celiyo dugsiyada.
Dalka Soomaaliya oo lagu tiriyo dalalka sida aadka ah carruurta
da’doodu yar tahay loogu shaqeysto ama lugu askareeyo
ayaa u muuqda mid aan ka soo kaban burburkii dagaalkii sokeeye,
taasoo kuu muuqaneysa markaad ku safarto dalka gudihiisa. Tusaale
ahaan, mar aan safar ku maray meelo ka mid ah dalka ayaa waxay
indhahaygu qabteen wiil aan da’diisu ku qiyaasay 15-16
jir oo sita qori AK-47 ah. Wiilkaasi wuxuu ii sheegay inay shaqadiisu
tahay inuu sii raaco gaadiidka isaga goosha gobollada qaarkood.
Waxaa uu gawaarida uu sii raaco uu u tilmaamaa meelaha ay miinooyinka
ku jiraan ee wadada dhexdeeda ah. Wiilkaas oo magaciisa la yiraahdo
Ibraahim wuxuu gaari walba ka qaataa lacag dhan 4000 oo shilin
Soomaali ah iyo wixii ay dadka gawaarida wataayi ay u gartaan.
Mar aan weydiiyay waxa ku kallifay inuu ka shaqeeyo shaqada
ceynkaan ah iyo bal hadii uu helo cid daryeesha in uu kaaftoomayo
karo iyo inkale, wuxuu ii sheegay inay hooyadii geeriyootay,
aabahiina uu ku nool yahay miyiga oo uusan heysan cid daryeesha,
laakiin hadii uu helo uu dhaafi karaayo.
Haddaba, miyeynu ku eegan karnaa carruurta Soomaaliyeed ee da’doodu
intaa le’egtahay ee ka shaqeeya howlaha ceynkaa ah? Waxaa
dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisaba
u yaalla arrimaha ceynkaan oo kale ah wax-ka-qabashadooda. Sidoo
kale waxaa jira carruur badan oo Soomaali ah oo ka shaqeeya
maqaayadaha, goobaha qashinka iyo kabarada jaadka (qaadka).
Carruurtaani oo ay da’doodu tahay da’dii dugsiyada
ayaan nasiib u yeelan inay helaan daryeelkii ay mudnaayeen oo
ku hagi kara inay maraan wadada toosan. Qaar kamid ah carruurtaasi
waalidiintood way geeriyoodeen, qaarna waxay waalidiintoodii
uga soo tageen miyiga iyagoo dan soo biday nolosha magaalada.
Carruurta ku nool nolosha ceynkaa ah, baan hadana heysan ammaan
ay ku sii joogteeyaan shaqadooda ku saleysan nolol-maalmeedka.
Waxaa jira dabley xoog u sheegata carruurtani oo ka fara-maroojisata
lacagta ay maalintaas soo helaan, iyada oo ay mararka qaarkoodna
dhacdo in ay carruurta qaarkood isku yara dhajiyaan dhididkooda
(waxa ay soo shaqeysteen) oo ay markaana muteystaan dil ama
jir dilyo loogeysto. Sidoo kale waxaan la kulmay wiil da’diisu
iigu sheegay 12 oo caseeye ah oo ay biil ka sugayaan qoys ka
kooban hooyadiis iyo saddex carruur
Carruurta Soomaaliyeed waxaa ay dagaaladii sokeeye kala kulmeen
dhibaatooyin xagga nolosha ah, waxbarashada iyo maskaxda, oo
sababtay inay in badani oo iyaga ka mid ah la qabsan waayaan
xitaa marka ay heleen cid daryeesha. Maxamed oo ah wiil 16 jir
ah oo qabatimay koollada (maandooriyaha ay carruurta Soomaaliyeed
ay isticmaalaan) ayaa waxaa inuu daryeelo gurigiisii u geeyay
nin ka mid dadka deggen xaafadda uu koolada ku dhuuqo (jiido).
Maxamed wuu aqbalay maadaama uu helay cid maanta u heellan oo
daryeesha. Wuxuu la noolaa reerkii soo dhaweeyay muddo laba
isbuuc ah oo ay xitaa geeyeen dugsi lagu barto Quraanka
Arrintu si kastaba ha ahaatee, dalka kama ay jiraan wax urruro
ah oo ku howlan horumarinta daryeelka carruurta. Sidaas darteed,
ayaa waxaa lumay saddex jiil oo aayaha Soomaalida wax ka beddeli
lahaa. Haddaba dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxaa looga baahan
yahay inay xoogga saaraan horumarinta carruurta.