Baroordiiq
loo sameeyay ardaydii lagu xasuuqey Muqdisho
26 December 2024
Bannaanbax aad u ballaaran ayaa shalay ka dhacay Magaalada Muqdish
ooo ay dhigeen ardayda Dugsiyada Gobolka Banaadir, waxayna ka cabanayeen
falkii xasuuqa ahaa ee loogu geystay agagaarka Cali kamiin Ardayda
Dugsiga-Sare ee Axmed-gurey.
Bannaanbaxan ayaa ardaydu waxay siteen boorar ay kaga cabanayaan
falkaasi, waxaana hadallo u jeedisay madaxda dalladaha waxbarashada
iyo mas'uuliyiin ka socotay Bulshada rayidka ah, iyadoo bannaanbaxani
uu saameeyey inta badan Magaalada Muqdisho, inkastoo Ardaydu ay
damacsanaayeen in uu bannaan-baxani noqdo mid ka dhaca dhammaan
waddooyinka Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku koobnaa waddooyinka qaarkood.
Bannaanbaxan ay dhigayaan ardaydaasi, waxaa ammaankooda sugayay
ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir, wuxuuna ku dhammaaday si
nabadgelyo ah.
Xigasho: Ayaamaha
|