Maraykanka, ayaa soo saaray digniin ku wajahan muwaadiniintiisa in aysan tagin dalka Kenya, taasoo xukuumadda Washington ay sabab uga dhigtay halis argagixiso oo jirta.
Waaxda arrimaha dibedda, ayaa sheegay in ay jiraan waxyaabo muujinaya in danaha Maraykanka iyo reer galbeed ee gobolka ay wali halis dhab ah ugu jiraan weeraro.
Digniintii ugu dambaysay ee dhinaca socdaalka ee Maraykanku uu soo saaro, ayaa soo hadal qaadday howlgallo isbiimayn ah, weeraro bomb, afduub iyo weeraro dhinaca duulimaadka ay lala beegsan karo Muwaadiniinta iyo danaha Maraykanka iyo reer galbeedka.
Muwaadintiinta Maraykanka, ayaa si gaar ah looga digay in ay iska ilaaliyaan goobaha dadwaynaha badan isugu tagaan.
Sanadkii 1998-dii safaaradaha Maraykanka ee ku yaallay Kenya iyo dalka deriska la ah ee Tanzania, ayaa lagu qaaday weerar bomb baabuur loo adeegsaday, kaasoo dhismayaashaasi ku burbureen, ayna ku dhinteen in ka badan laba boqol oo qof. Source: BBCSomNet
|