Member

Xasuuq ba'an oo saakay loo geystay Arday wax ka barata dugsiga sare oo ku yaala magaalada Muqdisho


Tuesday, December 24, 2024

Ugu yaraan 4 ruux oo 3 ka mid ah arday tahay iyo nin ilaalo ka ahaa gaari ay saarnaayeen ayaa geeriyootay, 10 kalena wey dhaawacmeen kadib markii saakay maleeshiyo hubeysan ay rasaas si naxariis darro ah ugu fureen Arday wax ka barata dugsiga sare ee Axmed Gurey ee Magaalada Muqdisho.

Ardaydaas oo wada saarnaa gaari nooca Mini Bus-ka ah oo soomaalida cusub u taqaano HOMY ayay maleeshiyada oo ku hubeysnaa qoryo gacmeedyo rasaasta mar kaliya ku kulmiyeen iyaga oo ugu horeynba la helay nin gaariga ilaalo ka ahaa oo dusha sare ka saarnaa, kaasi oo markiiba geeriyooday.

Dhawaaca ardayda ayaa markiiba la geeyay Cusbitaalka Al-Xayaat oo aan ka fogeyn meesha shaqaaqadu ka dhacday, halkaas oo haatan kuwa dhaawacoodu fudud yahay lagu daweynayo, halka kuwo dhaawacooda uu aad u cuslaana loo gudbiyay cusbitaalka Madiina oo wax xoogaa ka agab roon cusbitaalka Al-Xayaat oo isku qaabila dhaawacyada fudud ee rasaasta iyo shilalka iyo weliba dadka uu ku soo dhaco xanuunka caloosha shuba ee loo yaqaano daacuunka (Cholera).

Sababta ay maleeshiyadaan u rasaaseeyeen ardaydan oo da'doodu ka yar tahay 20 sano, misana uu u socday imtixaanka midterm-ka ayaan la ogeyn, iyadoo dad indhahooda ku arkayay sida shilka u dhacayay ay Hiiraan Online u sheegeen in maleeshiyadaas ay halkaas ku sugnaayeen subaxdii oo dhan, ayna ku sugayeen nin ganacsade ah, iyadoo warar kalena ay falkaas xasuuqa ah la xiriirinayaan dhacdo shalay ka dhacday agagaarka Isgoyskaas oo seddex ruux ay ku geeriyootay.

Xigasho: Hiiraan Online

Copyright 2003 Somali Student All Rights Reserved.
Designed & Developed By Designer Den Studio
Unautherized reproduction or modification of any content displayed or stored on this server, or any portion of it strictly prohbited.