Member

QARAN DUMAY QALFOOFKII

W.Q. Abwaan Cabdi Muxumed Amiin

Abwaan Cabdi Muxumed Amiin waxa uu tixdan kaga hadlayaa xaaladda ay magaalada Muqdisho ku sugneyd sanadkii 1994-tiiiyo howlaha ay qabanayeen fannaaniintii joogtay Xamar. Tixdu waxa uu abwaanku warbixin ka soo siinayaa bulshada Soomaaliyeed sida ay magaalada iyo guud ahaan dalku uu ku sugan yahay. Gabaygu wuxuu si gaar ah ugu jeedaa abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibedda dalka, waana guubaabo ku aaddan inay abwaaniintu mar kale u guntadaan sidii ay dadka nabad ugu baaqi lahaayeen. Waxaana tixdu ay ku billaabatay sidan:

Kala qeybin maayee, abwaaniinta qarankaay,
In qurbaha u yaacdoo, qaaradaha kala jira,
Inta qoysaskoodii, naftu qabo ku tiriye,
Gobollada ku qoofalan.
***
Hal-qabsiga daraaddii, Hadraawiyo Qeysow,
Sidii loogu kala qaxay, qaarba meel u aadeen,
Dagaalkii qasuumada, qabaar meynu kala helin,
Mid mid qubana mooyee.
***
Qaddar baa shantii sano, qabso oo inoo dhiman,
Kolkii garsho lagu qaday, xoogga qoriga mooyee,
Kolley ani qiyaastay, talo lagu qaboobiyo,
Qiil waa la’nahay weli, qarax iyo dab mooyee.
***
Howl waxaanu qabaniyo, qaabkaan ku noolnahay,
Aan idiin hal-qaadee, waayaha wax iga qora.
***
Qaran dumay qalfoofkiis, ayaan hoos qandoodaa,
Qaylada rasaastiyo, madfaca qaraxyadiisaan,
Ku quraacannaa weli, khad cagaaran baa jira,
Kala qeybsha beelaha, Xamar oo qabuuriyo,
Qoom rogmaday dalkiisii, qof arkaa u moodaan,
Sii quud-darreeyaa, quruxday lahaydiyo
Meel aan laga qaloon oo, qof waliba ku nabad galo,
Dib ma u qosleysaa?!.
***
Noloshu wayska qiilqiil, howli waa qamaamadan,
Haddana waa wax sii qoran, quudkaad cuneysee,
Ma qadno oo ma qaawanin, qadada waan iska hellaa,
Danyartaan la qeyb nahay, qofka iyo nasiibkii,
Qadartii uu soo helo.
***
Noloshoo qaraaroo, qaabkaasi lagu jiro,
Afka isma aanu qabanine, bal inay wax qaataan,
Qaylaanu ku wadnaa, qoondeeya nabaddoo,
Qarankii is qoonsaday, dib qalqaalo ha u galee,
Iska dhiga qoryaha oo, nabad qaata waan iri.
***
Inkastoy qafaasheen, qabiillada hubeysani,
Waxba aanay qaban karin, inta kheyrka jeceliyo,
Nala qaaday shicibkii, kama quusan waanwaan.
***
Warka qodobadiisii, qaddarkaas igaga filan,
Balse su’aal qayaxanoo, naxli qabin aan raacsado,
Qays iyo Hadraawoow, qasiidooyinkii iyo,
Heesihii qurxoonaa, dadka qiiro gelin jiray,
Qol miyaad ku ooddeen, qalinkii miyuu gudhay,
Ma qubteen tawaaddii, geed idin ma qarinine,
Mise qowda maqashii, iyo qalad kalaa jiray,
Oo idiin qarsoonaa.
***
Kolkii shalay qallooc jiray, annagoo cabsi aan qabin,
Waa taan qaylo-dhaantii, hubka qaata aan nidhi,
Iyagoo shaki aan qabin, bulshaduna waxqabadkii,
Qowlkeenii fuliyeen, taariikhdu waa qore,
Been kuma qisootee, qalalasihii dhacay,
Qayb baynu ku lahayn, boqol jeer qiyaastay,
Middaanaa ka qara weyn, qarniyaal wixii dhacay.
***
Waxseen kaga qaboobaa, qasadkeennu ma ahayn,
Siday wax u qalloocdeen, kolkii qoysba qoys dilay,
La qufee caloolaha, xishoodkii la qaaddacay,
Loo qaybsaday haweenkii, sidii qoomkii Nabi Luud,
Jaahilnimada lagu qiray, qowlkii Ilaahay,
Caydheenna qaawani, kolkay qaaradaha idil,
Nafta kula qamaameen, habqankeennu qariyeen,
Qof arkaaba yaabeen, kolkay ugu qadhaadheyd,
In dibnaha la qoofalo, oon qowlba laga oran,
Su’aal bay u qalantaa?.
***
Abwaankii qadyad lehe, qoomiyad u heesow,
Waa lagu qaddariyaa, qiimaad ku leedahay,
Qarankeenna oo idil, qodobkii aad sheegtaana,
Waa lagu qisoodaa, loo qoraa carruuraha.
***
Hadraawiyo Qaysow, imaarad qabiiliyo,
Qoysas ay u taliyaan, qorshahoodii waa hore,
Qaybintii gumeysiga, cadawnimo ku qotomay,
Dalka miyay u qalantaa?, dadka miyay u qalantaa?,
Diinta miyay u qalantaa?, qof damiir la’ mooyee,
Qaar aan dhammeynoo, belo qaadday mooyee,
Badow loo qudbeeyo, been lagu qarribayoo,
Iska qaaq leh mooyee, qaangaar waxgaradiyo,
Qof dadnimo ku nooshahay, wax aan aadmi qaataa,
Qaaradaha ku nooleyn, sidee loogu qoor-qaban?!.
***
Inta qaar indha la’oo, qalbiga uu madow yahay,
Hadba qar ay ka ridayaan, usha maan u qabannoo,
Khataraha u sheegnoo, ku tilmaanno qarannimo,
Iyadaa qabow lehe.
***
Waxaa qoray walaalkiin, quud aad wadaagtaan,
Howlo isla qabateen, waayaha qalloocani,
Qoqobaha ku kala xidhay.

 

Copyright 2003 Somali Student All Rights Reserved.
Designed & Developed By Designer Den Studio
Unautherized reproduction or modification of any content displayed or stored on this server, or any portion of it strictly prohbited.