Member

Ma Ogtahay?, Ila Qosol iyo Halxiraale

Ma Ogtahay

QOFKA UGU DA'DA WEYN EE HADDA NOOL
***Ma ogtahay qofka ugu da'da weyn ee hadda nool ay tahay haweeney u dhalatey dalka Ingiriiska oo magaceeda la yiraahdo Eva Morris, kuna nool magaalada Staffordshire ee dalka Ingiriiska. Eva waxay dhalatay Nofember 18 keedii 1885. Eva oo ah haweeney ninkeedu geeriyoodey waxay tilmaantay in ay mar kastaba firfircoon tahay, ayna maalin walba cabto koob shaah ah oo lagu daray qamri

QALLIINKII UGU BALLAARNAA EE XOOLO LAGU SAMEEYO
***Ma ogtahay qalliinkii ugu ballaarnaa ee ay a qeyb galaan dhaqaatiirta xoolaha (vets) in uu ka dhacey Isbitaal ku yaalla magaalada Lampang ee dalka Thailand bishii Agoosto ee sanadkii 1999. Qalliinkaasi oo ay ka qeyb galeen in ka badan soddon dhaqtar ah waxaa lagu sameynayey maroodi dheddig ah oo da'diisu gaareeyso 38 sano. Maroodigaasi waxa uu lugta bidix ka dhaawacmey kadib markii ay la kacdey miino ku aasneyd dhulka. Dhaqaatiirtaasi waxa ay adeegsadeen daawada suuxinta oo ku filan toddobaatan qofood si ay u suuxiyaan maroodiga.

***Ma ogtahay in muusku (mooska) uu yahay khudaarta loogu adeegsiga badan yahay caalamka. Muusku waa khudaarta ugu fudud la cuni karo aana kaaga baahnayn fiiqid (diirid), dhaqid (mayrid), ama jarjarid.

***Ma ogtahay

Ila Qosol

GABAR LOO GURI GEEYAY NIN AAN KEEDI AHAYN
Bishii Febraayo ee 2000, waxaa xaafadda Geed Jacayl ee magaalada Muqdisho ka dhacday arrin la yaab iyo qosol ku ridday dadkii xaafadda deggenaa, kadib markii labo gabdhood oo isla maalintaas xaafadda laga aroosayay ay isku khaldameen.
Mid ka mid ah gabdhaha la aroosayay ayaa waxay ku jirtay meelaha gabdhaha lagu dhalaaliyo ee loo yaqaanno Beauty salon, waxayna sugayeen in baauur iyaga u socota ay u iman doonto si gabadha loogu galbiyo gurigii loo diyaariyay. Sidoo kale guri ka soo horjeeda beauty salon-ka ayaa waxaa isagana laga aroosayay aroos weyn oo waxaa la aroosayay gabar gurigaas ka tirsan.
Baabuur yaryar oo aad u badan oo u socotay inay qaadaan gabadha guriga ku jirtay ayaa markii ay soo istaageenba waxaa gabdhihii la socday gabadha beauty salon-ka ay u maleeyeen ina baabuurtu ay iyaga u socdaan, waxayna si halhaleel ah ay gabadhii ugu soo rideen baabuurtii gabadha kale u socotay, iyadoo kuwii baabuurta la socdayna ay iyaguna moodeen in gabadha ay qaadayaan ay tahay tii ay u socdeen, waxaana taasi sii saaciday iyadoo gabdhaha la aroosayo gebi ahaanteedba lagu dedo taaj iyo iyadoo aroosyaduna ay inta badan aad u buuq badan yihiin.
Gabadhii ayaa baabuurka la soo saaray. Waxay ugu timid nin aan keedii ahayn. Layslama hadlin, oo sidii loo sii socday waxaa la tegay gurigii. Markii gurigii la geeyay ayaa gabadhii waxaa lagu yiri “iska fur taajka”. Saa markay taajka iska furtayba ma aha gabdhoodii. Waa la yaabay labadii dhinacba, oo gabadhii arooska ahayd iyo malxiisaddiiba qof ay garanayaan maba joogo gurigan. Waa lays wareystay, kadib waxaa la ogaaday in gabadhan lagu soo khaldamay.
Intii gabadha lala sii maqnaa, ayaa reerkii gabadha la watay aroosayay waxay iyagoo baabuurtooda wata yimaadeen beauty salon-ka, waxayna ka war heleen in gabadhoodii la watay. Waxayna moodeen in gabadhii la qafaashay. Waxay u hanjabeen haweeneydii lahayd beauty salon-ka, iyagoo ku eedeeyay inay afduubatay gabadhii ay u keensadeen. Hadii gabadaha aysan keenina inuu dhiig daadan doono.
Intii uu muranku socday oo qarka loo saarnaa in gacanta laysula tago ayaa nasiib wanaag waxaa la soo celiyay gabadhii la watay, waxaan dhinacyadii ay arrintu khuseysay ay isaga cudur daarteen khaladkii dhacay, iyagoo u sheegy in agabadhoodu ay bed qabto.

Halxiraale

Sheeg magaca oo saddexan ee Wasiirkii Wasaaradda waxbarashada iyo Barbaarinta ee Soomaaliya ee sanadkii 1990 kii ?

Jawaabaha kusoo hagaaji [email protected].

 

Copyright 2003 Somali Student All Rights Reserved.
Designed & Developed By Designer Den Studio
Unautherized reproduction or modification of any content displayed or stored on this server, or any portion of it strictly prohbited.