ANIGU WAAN KU JECLAHAY
(Waa Warqad Furan Oo Ku Socota Aqalka Cad Ee Mareykanka)
WQ: C/qaadir Xersi Yamyam
Waxaa soo diray shacabka Soomaaliyeed, kadib markay maqleen
inay Soomaaliya ka guurayaan ciidamada Mareykanku. Waan jeclayn
in ciidamadiinu naga guuraan, kadib, markaad lumiseen siyaasaddii
ad ku magacawdeen: “Dib-u-dhiska iyo nabad-soo-celinta
Soomaaliya”. Waxaan ku faraxsannahay in ciidamadiinu naga
guuraan, sidaan u jeclayn inay noo yimaadaan, taasina waxay
ka dambeysay faa’iidada an ka sugeynay boqol-jibaarkeed
oo khasaaro ah markay noo geystaan!.
Ma illaawi doono waxaad nagu sameyseen, mana annaan filayn inaad
nagu sameyn doontaan carbiska iyo hub-tijaabiska ciidamadiina
iyo iyo kuwa adduunkoo wada jira. Markaad imaanayseena nooma
adnaan sheegin, inaad nagu tijaabin doonto gantaalaha ay xambaarsan
tahay diyaaradda cusub ee loo yaqaanno AC 130. haddaad na ogeysiin
lahaydeen, in sawaariikhda cusub qoloba mar lagu tija
ha ahaatee, waxaan kuu soo qoreynaa intaadan guurin bisha Maarso
ee 1994-ka, warqad sidda dareenkayaga. “Xooluhu urkay
isku gartaan, dadkuna hadalka”. Dhambaalkayagana waxaad
ku xusuusan doontaa, casharkaagii saan u barannay iyo duruustayadii
saad u xafidday. Sidaa darteed intaadan guurin waxaan ku leenahay:
Anigu Waan Ku Jeclahay
Qeybtii 1aad
Anigu waan ku jeclahay, waxaan kuu jeclahay si la yaab leh.
Habeenkii waxaan ku riyoodaa annagoo ku dabbaalanayna bad an
mawjad ku dafta iyo bahallo laga cabsoodo toona lahayn, subaxiina
waxaan soo toosaa anigoo ku faraxsan la-kulankaagii xalay, adiguna
ma ogid!.
Joornaal kastoo soo baxa waxaan ku arkaa masawirkaaga oo boggiisa
hore lagu soo daabacay oo aad u qurux badan, qorayaasha iyo
dadka oo dhamina waxay kugu ammaannaan, inaad tahay gabadha
kaliya ee ee hablaha adduunka ku nool ugu qiimaha badan!.
Taleefishin kastaa wuxuu soo bandhigaa marka an daawanayo adigoo
haweena oo tartanka carwada quruxda ka soo qaatay abaal-marintii
guusha, shirkadaha waaweyn ee adduunkuna waxay saf ugu jiraan,
inay helaan masawirkaaga si aad wax soo-saarkooda uga dhex muuqatid,
dabadeedna ganacsigoodu u noqdo mid dadka oo dhan sii jiita,
adiguna ma ogid!.
Waxaan kuu soo diray shimbir cad oo ubax iyo dhambaal qoraal
ah kuu sida, inaad heshayna waan hubaa, laakiin jaawaabtaadii
ayaa iga soo daahday, inaad ila soo hadashana waxaan u sugayey,
sida iftiinka waabariga loo sugo. Maxa kugu dhacay?.
Waxaa innoo ballan ah inaan ku kulanno casuumaadda jacaylkeenna
oo nagu casuumay dayaxa dushiisa oo la soo dhoweeyay, waxaana
sii qaadi doona satalaatyada caalamka kuwa ugu dheereeya, annagoo
sii raacayna khadka taleefoonnada, miisaankeennuna wuxuu ku
fududaan doonaa farxaddeenna, qosolkeennuna wuxuu noqon doonaa
sariiraha kaligood is wada oo an ku dul raaxeysanno. Taa haddaadan
ogayna waxaa ku ogeysiin doona jacaylkeenna.
Anigu Waan Ku Jeclahay
Qeybta Labaad
Anigu haddaan kuu baahnahay, adiguna wax badan baad ii baahnayd!.
Intaad ii baahnayd anigu kuuma baahnayn, haddaan ogaan lahaa
inaan kuu baahan doonana isma aanan af garan weyneen.
Baahidaadii hore waxay daweyn lahayd baahideyda hadda ah, laakiinse
ma garan!. Adiguna markaan kuu baahday ma aad garan inaan isku
dan nahay. Waxaa ku helay kuwo dantaada ka soo horjeeda, anna
nolosheyda aan jecleyn!.
Haddaad I weydiin lahayd rabitaankaaga waxaad heli lahayd rabitaankayga,
jacaylkeenuna ma ahayn mid khiyaali ah ee wuxuu ahaa dhab. Jacaylkuna
ma qeybsamo hadduu qeybsami lahaana waxaa lagu dari lahaa taariikhaha
qoraalkooda cilmi ahaan loo keydiyo.
Maxaa kuu diiday inaad I barato?. Haddaad baran lahayd taariikhdeyda
waxaad ogaan lahayd waxa aan ka sameysnahay, kuwa I yaqaannana
kaagama tallaabsadeen bohollihii aad ku dhacday!.
Waxaa fiicnayd in xiriirkeenu billowdo annagoo is naqaan, haddase,
waxaa na dhex maray dabeylo iyo ciiryaamooyin na kala qariyey,
suurogalna ma aha inaan hadda iyo waqtiyada dhow billowno waji
cusub oo noo furma haddaadan la imaan jacayl soo dadajiya is
rabiddeenna!.
Anigu waxa degganahay guri aan leeyahay, adiguse waxaad ku jirtaa
aqal kiro ah, haddaad ka guurtana ma aqaan meel aan kaala soo
xiriiro, laakiin waxaan ku siinayaa cinwaankeyga si aad iila
soo xiriirto haddii ay wax xiiso ahi ku soo kordhaan jacaylkeennii
khiyaamada lagu dumiyay!. Cinwaankeyga joogtada ahina waa sidan:
Sinnaantaan la magac ahay
San-ku-neefle ma oggoli
Inuu iga sarreyn karo
Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo
Soomaali baan ahay!.
****
Inkastoon sabool ahay
Haddana waan sarriigtaa
Sacabbada ma hoorsado
Saaxiib nimaan nahay
Cadowgayga lama simo
Soomaali baan ahay
Anigu Waan Ku Jeclahay
Qeybtii 3aad
Jacaylkaagu ma ahayn mid daacad ah!. Taana waxaan ogaaday, markaad
ii noqotay macallinka anoo dhigta fasalka hoose, isla markiina
aad I soo fariisisey kursiga imtixaanka jaamacadda lagu qaato
PhD-da. Ujeeddadaadu waxay ahayd inaan imtixaanka ku dhaco,
dabadeedna aad igu jeesjeestid, iiguna yeertid magaca ah ‘Ma-gudbe’.
Laakiin naasiib wanaag imtixaankii waan gudbay, waxaanan galay
nambarka koowaad…No.1.
Waxaan haystaa shahaadada aad I siisay, isla markaana waxaad
ogaatay, inaan leeyahay dareen fog iyo garasho qaali ah oo ayan
kuu sheegin saaxiibadaadii I yaqiin!. Sidaa darteed waqti dambe
kaaga lumi maayo inaad I barato, maxaa yeelay waxaad soo taabatay
waxaan ahaa!.
Hadalkaygu waa xigmad iyo taariikh, adna ma haaysid waxaad ku
beeniso, maxaa yeelay, waxaan run ahayn kuuma sheegin. Hadda
kadib waan aqaanna afkaaga, adiguna waxaad baratay kaygii. Sidaa
darteed uma baahnin turjubaan noo dhexeeya, baahidii aan isu
qabnayna weli waa joogtaa. Arrintaa maskaxda ku hayso, hana
illaawin.
Quruxdaadu waa xoogga, xooggaagana waan u oomanahay, maxaa yeelay,
anigu ceelashayda kama cabi karo. Maalinkaad I waraabisana waxaan
ku siin lahaa farxaddeyda oo ka qaalisan boqollaalkaaga saaxiib
farxaddooda, ceelashaydana waxaa iga waraabin kara nin I jecel,
soona jiidan kara xiisahayga, kadib markuu I tuso naxariis aan
hagar lahayn, aniguna xaasid ma ahi, aadanahana waxaan u jeclahay
qofkii aan wax wada cunno oo aan I khiyaamin.
Waxaan mar kale ku siinayaa cinwaankayga haddii aad ka guurto
guriga kirada ah ee aad ku jirto, cinwaankeygu waa joogto, ismana
bedbeddelo, waan sidan:
Nabaddaan u sahanshaa
Colaaddaan ka salalaa
Sooma jeesto goobaha
Ninka nabarka soo sida
Gacantiisa kama sugo
Soomaai baan ahay
***
Nin I sigay ma nabad galo
Nin isugeyna maba jiro
Libta weli ma sii deyn
Gardarrada ma saacido
Nin xaq lehna cid lama simo
Soomaali baan ahay!.
Anigu Waan Ku Jeclahay
Qeybta 4aad
Ma qabo inaad iga tageyso, waxaan ogahay inaad ila joogeyso,
dadka wada joogana waa inay ka heshiiyaan khilaafkii iyo nacaybkii
dhex maray si ay isaga kaashadaan noloshooda, cadawgoodana meel
uga soo wada jeestaan
Waxaad ii irmaaneyn kartaa dhulkayga wixii aan ka helana waxaan
ku nahay danwadaag, maxaa kuu diiday inaad soo jiiddo dhuumaha
malabka ah iyo wabiyada durdurka ah ee xayaabadu ka korreyso?.
Halkaa waxaa ku jira masawir ama (biniikolo) in la caddeeyo
u baahan.
Waxaad tahay dhakhtarkii ii soo gurmaday markaan caloosha ka
jirranaa, daawadii ad I siisayna waan ku roonaaday, laakiin
weli ma aan bogsoon, caloosheyduna waxay u baahan tahay dhakhtar
joogto ah. Dawada caloosheydana waad taqaan, mana aha irbadaha
Ambasiliinka ee dhakhaatiirta qalliinka boorsooyinkooda ka buuxa
Si fiican baad u taqaan caloosheyda dawadeeda umana baahnid
inaan kaaga sheekeeyo filimmada ku hor yaal ee aad iga duubtay
xilligii aan mdiabka dugaagga yeeshay.
Ha illaawin dukumeentiga qasnadahaaga ku keydsan ee taariikhdu
xusi doonto waqtiyada socda, hana illaawin ubaxyadii xusuusta
lahaa ee aan midigta kuu geliyay maalinkaad gurigeyga igu soo
booqatay!.
Ha illaawin cinwaankeyga marka aad ka guurto guriga muraayadaha
badan iyo qasriga ay injinneerradu ku magacaabeen ‘Aqalka
Hodantinnimada’, waxaana had iyo jeer la iga helaa cinwaankeyga
aan is beddelin, waana sidan:
Ninkaan taydu soli karin
Uma yeelo suu rabo
Sida dunida qaarkeed
Sandulleynta ma oggoli
Ninna kabaha uma sido
Soomaali baan ahay
***
Ninka Iga sed roonow
Siintaada magaca leh
Ogow kaama sugayee
Hana oran sasabo badaw
Dareen seexda ma lihiyoo
Somaali baan ahay
Anigu Waan Ku Jeclahay
Qeybtii 5aad
Anigu maanta ma ahi nin dhisan oo leh garasho iyo xoog mideysan,
waxaa is beddelay dhaqankaygii, aqoontaydii, siyaasaddeydii,
dhaqaalahaygii, midnimadeydii maankeygii iyo awoodeydii qofnimo.
Ma ahi nin waalan, miyirna goor iigu dambeysay ma aqaan, dareenkayga
iyo nolosheyduna ma wada socdaan. Waxaan yeeshay dhowr maskaxood,
maskax walibana waxay yeelatay dhowr iyo toban waji, waji walibana
wuxuu rabaa inuu maskaxda u hoggaamiyo dhinaca uu rabo, taasna
dan uma aha jiritaankayga.
Ma ahi nin fayow, sidaa darteed, waxaan ka cabsi qabaa inaan
dhumiyo magacayga oo dhan, inuu magacaygu dhumana waa halaagga
jiritaankayga. Anigoo huba in rajadeydu khatar ku sugan tahay,
ayaa haddana waxaa ii muuqda baqdin iyo tiiraanyo aayahayga
ku soo fool leh iyo magnad culeyskayga sii jiidanaya iigana
imaanaya meel hawaddeyda ka baxsan.
Anigu hadda ma cayaari karo doorkeygii qofnimo, iskamana furfuri
karo xargaha xoogga badan ee ma-naxayaashu waaxyahayga ku kala
jiidayaan. Waxaan isku hallaynay quruxdaada awoodda badani inay
iiga hiilliso kuwa jecel inaan mugdi ku sii jiro, adigana kaa
waraabinaya beenta sida khamriga lagu sakhraamo. Ha yeelin kuwaas
madaddaaladooda, waxaadna u soo jeesataa sidaad u dhayi lahayd
nabarrada caloosheyda ku yaal, markaan biskoodana waan kuu abaal
gudi doonaa!. Cinwaankayguna waa sidan:
Ninna madax salaaxiyo
Kama yeelo seetada
Sasabo ma qaayibo
Sirta waxaan iraahdaa
Saab aan biyaha celin
Soomaali baan ahay
Anigu Waan Ku Jeclahay
Qeybtii 6aad
Miyaan laguu sheegin inaan ku jeclahay?. Haddii laguu sheegay
inaan ku jeclahay, maxaad u qiimeyn weyday jacaylkeyga?. Yaa
kaa qariyay jacaylkeyga?. Anigu kaama qarin jacaylkeyga.
Ma waxaa isku keen diray kuwii hunguriga weynaa oo anoo qaawan
I cuni jiray?. Ma xasuusataa markaan dhashay ciddii aan deriska
ahayn?. Kuwaasi waxay necbaayeen dhalashadeyda, illaa iyo haddana
ma jecla koritaankeyga, lugahana waxay iiga gooyeen inaanan
istaagin.
Adigu ma sida kuwaasaad xaasid tahay?. Sow ma ogid inay xaasidnimadu
xun tahay?. Hadday kuugula taliyeen inaadan I daaweyn illaa
nafaqadu iga dhammaato, ha ka yeelin, haddaad ka yeeshana ogow
inaad naxariista aadanaha meel uga dhacday.
Anigu waxaan ahay nin madax adag, mana rabo inay dhaawacayga
ku soo xoomaan dad badan oo anan wajiyadooda aqoon, isla markaana
aan waxba ii qabanaynin, waxaan jeclaan lahaa inaad adigu iga
soo saartid miyirbeelka “Koomaha”, markii garashadu
ii soo noqotana aad wax ii qabatid, markaan soo baraarugana
aad farxadda iyo noloshaba qaybsanno anigoo ka raalli noqday.
Ha go’aansan nin waalan inaad ula xisaabtanto sida nin
fayow. Qabka iyo isla-weynankuna waallida waxba kama duwana,
taasina waa midda I curyaamisay. Haddana waxaan u baahnahay
cid igu daaweysa cilmi-nafsiga iyadoo aan karbaash ila dhicin.
Waxaa laga yaabaa inaan sidaa wax ku garto.
Cinwaankaygu waa sidii hore:
Dabayshaan la socod ahay
Salfudeydna uma kaco
Waabay sunaan tahay
Marna samawadaan ahay
Samir baan hagoogtaa
Soomaali baan ahay.
Anigu Waan Ku Jeclahay
Qeybtii 7aad
Ma rabo inaad ila joogto adoo iga adag, mana jecli in xooggaagu
khatar geliyo carruurteyda agoonta ah, adiga qudhaaduna ma jeclid
wax argagixiso ku geliya ama kuu itaal sheegta, taa aadaamigoo
dhan baa neceb.
Waxaan filayaa inaad ila qabto aragtidaas. Sow ma ogid bisadda
iyo digaagga itaalka yariba inay weyraxaan haddii ubadkooda
la taabto?. Ma waxay kula tahay in dadku xaywaanka ka dareen
liito?.
Haddaan anigu is nebcahay, ma inaad neceybkeyga ka faa’ideysataa?.
Sow ma ogid in jacaylkaygu uu soo noqon doono?. Wax kastoo la
kariyaa waa bislaadaan, anna waxaan hadda ku dhowahay xilligaan
dareemi lahaa isu soo dhowaanshahayga.
Waxaad dib u jalleecdaa xilligii dhallinyarannimadaada, waddada
an hadda ku joogaa kama duwana jidadkii aad ku socotay waqtiyadii
aad da’a yareyd. Maxaad iila yaabeysaa intay taariikhdu
I bareyso casharradeeda waayo-aragnimada?!.
Waxaan kaa sugaayay inaad ii soo bixiso raadadkaagii foosha
xumaa iyo noloshii adkayd ee ad ka soo gudubtay!. Maxaad iiga
waanin wayday khaladkii ad soo martay xilligii sidayda aad indhaha
la’ayd?.
Anigu kaama qariyeen haddaan arki lahaa adigoo ku sii socda
bohosha halaagga iyo dariiqa rajo-la’aanta, adiguse waxaad
mooddaa inaad janno iigu tilmaantay waadiyaasha naarta iyo hirarka
cadaabta ah si an u dhex galo quusta nolosheyda, taasna waxaan
u arkaa inaadan wax naxariis ah ii hayn. Si kastaba ha ahaatee,
cinwaankaygu waa sidiisii:
Nin I sigay ma nabad galo
Nin isugeyna maba jiro
Libta weli ma sii deyn
Gardarrada ma saacido
Nin xaq lehna cid lama simo
Soomaali baan ahay!.
Anigu Waan Ku Jeclahay
Qeybtii 8aad
Miftaaxa jacaylkeennu waa rajada wada-jirkeena, haddaad iga
fogaatana xabaalahayga waxaa ku kordhi doona intaad ku kordhisay
in ka badan.
Anigu adaan kula hadlayaa, cid kale la hadli maayo, dhegahaagu
ma daloolaan?. Hadday daloolaanse diyaar ma u yihiin inay maqlaan
dhawaaqyada meesha fog ka soo yeeraya, kuuna soo gaaraya sida
‘ekowga’?.
Haddaad taladayda qaadan weydo, mar kale ayaad xusuusan doontaa
inaad khasaarisay xiisahaagii iyo jacaylkii sida dhiigga u dhex
socon jiray, isagoo waraabinaya beerahaaga ubaxa badan ee ad
ugu talo gashay inaad ku raaxeysatid carruurtaadana ay u noqdaan
dhaxalka ay had iyo jeer kugu xusuustaan!.
Waxaan filayaa inaad I garatay, ujeeddadeyduna waxay ahayd inaad
I garato. Mar haddaan is garannana waxaa noo soo bixi doona
geedkii saaxiibtinnimada, geedkaas wuxuu noqon doonaa geedka
ugu hoos qabow, uguna miro macaan geedaha adduunka guudkiisa
ku yaal.
Haddaad hadda I garan weydo waqtiyada soo socdaa imakaa bari
doonaan, adiguna ma heli doontid qaamuus magacaygu ku qoran
yahay, mana heli doontid kitaab ku keydsan matxafyada caalamka
oo ad xusuustayda berri ka akhrido, waxaana na dhex mari doona
mugdi an iftiin lahayn oo lagu indho beelo, unugyada maskaxdana
xusuusta ka tirtira.
Anigu waxaan la hadlayaa adiga, hana u malayn inan qof kale
la hadlayo, dhambaalkayguna wuxuu ku dhamaaday inaan kuu qoray
dareenkayga oo run ah, waxaan kaa sugayaa qiimaynta jacaylkeenna
iyo dhaqdhaqaaqa falkaaga sawirrada ka soo bixi doona. Cinwaankaygu
weli isma beddelin, waana sidan:
Saan la kala jaraan ahay
Summadi ay ku wada taal,
Rag baa beri I saanyaday
Anoo xoolo soofsada,
Xil midnimo anaa sida,
Soomaali baan ahay.